Rasmi: Messi oo ku jiran Liiska Kooxda PSG ee Kulanka Reims (Liiska)

Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Neymar ayaa dhammaantood ku jira liiska xiddigaha Paris Saint-Germain uga qeyb-galaya kulanka caawa ay ka horjeedaan Reims.

Saddexdaaan weeraryahan ayaa si wada jira ah ugu soo bilaaban karta safka hore ee PSG markii ugu horreysay kulanka ay booqanayaan garoonka Stade Auguste Delaune, halkaasoo ay ku soo ciyaari doonaan kulankoodii afaraad ee horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22.

Messi ayaa sameyn kara safashadiisii ugu horreysay ee PSG tan iyo markii uu beeca xorta ah ugu soo biiray, halka Mbappe oo aad loo hadal hayo inuu u dhaqaaqayo Real Madrid uu sidoo kale diyaar u yahay kulankan, halka Neymar uu dib u soo laabtay kaddib markii loo kordhiyey fasaxiisii xagaaga.

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyey in Messi, Mbappe iyo Neymar ay ku jiraan qorshihiisa kulanka caawa Reims intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id, laakiin waxa uu sheegay in go’aankiisa ugu dambeeya haddii ay dhammaantood ku soo wada bilaaban doonaan kulanka uu sugi doono illaa daqiiqadda ugu dambeysa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here