Rasmi: Manchester United oo ku dhawaaqday Liiska xidigaha u Ciyaaraha Champions League-ga

Manchester United ayaa shaacisay magacyada 22 ciyaaartoy oo ay u xulatay kulanka Champions  League ee Salaasada habeen dambe, kuwaas oo maanta ka  dhoofaya magaalada Manchester.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo xushay 22 ciyaartoy oo kaliya oo uu ula safrayo waddanka Switzerland oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Young Boys habeen dambe, waxaana xiddigaha  United hoggaaminaya Cristiano Ronaldo laakiin waxa aan lagu soo darin oo laga  reebay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo horena u seegay ciyaartii Newcastle United ee Sabtidii.

Tababaraha reer Norway oo Sabtidii la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Cavani uu qabo jug kasoo gaadhay tababarkii ka horreeyey kulankii Newcastle laakiin waxa la filayay inuu taam u noqdo ciyaarta Young Boys, taas oo uu ka baaqday.

Liiska ciyaartoyda Manchester United ee  kulanka Champions League ee Young Boys:

De Gea, Heaton, Kovar; Bailly, Dalot, Lindelof, Maguire, Shaw, Varane, Wan-Bissaka; Fernandes, Fred, Lingard, Mata, Matic, Pogba, Sancho, Van de Beek; Elanga, Greenwood, Martial, Ronaldo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com