Rasmi. Kooxda Chelsea oo Xaqiijisay lambarka uu Xiranayo Saul Niguez

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Saul Niguez ayaa u dhaqaaqay Stamford Bridge maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga isagoo hal sano oo amaah ah looga soo qaatay Atletico Madrid, isagoo dooq u haysta inuu u dhaqaaqo si joogto ah xagaaga soo aadan.

Waxa uu u ciyaari doonaa Chelsea isaga oo dhabarka ku wata lambarka 17, isla lambarkii uu u xirtay Atletico labadii olole ee ugu horreeyey si joogto ah.

Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee lambarkaas u xirta Chelsea wuxuu ahaa Mateo Kovacic , oo ah qadka dhexe oo markii hore amaah ku yimid Bridge oo ka yimid koox fadhigeedu yahay Madrid.

Xiddiga reer Croatia ayaa xirnaa seddex xilli ciyaareed ka hor inta uusan u beddelin lambarka siddeedaad xilli ciyaareedkan, sida Saul uu Atletico ugu sameeyay 2016.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here