RASMI: Koox Premier League Ah Oo Ka Careysiisay Xiddigaheeda Markii Ay Ceyriyeen Tababaraha Iyadoo Xilli Ciyaareedka Labo Kulan Uu Ka Harsan Yahay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Nigel Pearson ayaa laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Watford iyadoo go’aanka lagu ciyaarayay ay amakaak ku noqotay ciyaartoyda.

Watford labo kulan kaliya ayaa uga harsan xilli ciyaareedka, waxayna halis ugu jiraan inay u dhacaan horyaalka heerka labaad.

Laakiin guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Jimcihii kooxda West Ham ayaa saameyn ku yeelatay madaxda kooxda.

Advertisements

Waxayna haatan ceyriyeen tababare Pearson kaliya sideed bilood ka dib markii ay shaqadaan u magacaabeen.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in go’aankaan ay ka caroodeen xiddigaha kooxda kuwaasoo lagu wargeliyay warkaan ka hor tababarkoodii galabta.

Caawiyihiisii Craig Shakespeare ayaa isna sidoo kale la ceyriyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hayden Mullins iyo Graham Stack ayaa kooxda maamuli doona labada kulan ee uga hartay xilli ciyaareedka.

Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in Watford ay ku dhow dahay inay magacowdo tababare si joogta ah u bedela Pearson.

Pearson ayaa qabtay kooxda bishii December isagoo noqday tababarihii seddexaad ee Watford ay yeelato xilli ciyaareedkan.

Kooxda Watford ayaa ku jirtay kaalinta ugu hooseysa horyaalka markii uu qabanayay laakiin waa uu ka soo saaray ka hor inta aysan natiijooyin xun xun wajihin ka hor inta aysan ku laabanin kaalimaha ugu hooseya.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII