RASMI: Inter Milan Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Alexis Sanchez U Xidhan Doono Kooxda Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay Lambarka uu saxiixeeda cusub ee Alexis Sanchez u xidhan doono kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Alexis Sanchez ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiray kooxda Inter Milan isaga oo kaga soo biiray kooxda Red Devils intii lagu jiray suuqii xagaaga ee shalay xidhmay.

Inter Milan ayaa xaqiijisay in uu Alexis Sanchez kooxda u xidhan doono Lambarka No.7 kaas oo uu baneeyay weeraryahanka Mauro Icardi kaas oo ku biiray kooxda PSG shalay.

Sanchez ayaa kooxda Inter Milan ugu biiray heshiis amaah ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa 30 bisha June ee 2020 xilli ay Inter dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Alexis Sanchez ayaan wali u ciyaarin Inter wax kulan ah laakiin waxa si weyn loo filayaa in uu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay kadib fasaxa xulalka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here