Rasmi goos gooska Filimka Dil Bechara oo lasoo bandhigay Sushant filimkiisa udambeyay waa jaceyl qiiro leh (+Video)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska dhameestiran ee Filimka Dil Bechara kaaso uu hogaamiye ka yahay Sushant Singh Rajput waxaana la hogaamineyso atiriishada cusub Sanjana Sanghi.

Si weyn ayaa loo sugaayey shacabka hindiya badankood waxay codsanayeen mashruucan in tiyaatarada la saaro si ay ugu faanaan guul weyna u gaarsiiyaan waxayna leeyihiin Sushant ayaan ku xusuusaneena balse shabakada Disney+Hotstar VIP ayaa qaab online ah hawada ugu soo deyn doonto 24-July.

Dil Bechara waxaa kaloo door muhiim ah ka cayaaraya Saif Ali Khan sido kale sheekada fili kaan waxaa laga soo xigtay buuga sheekada loogu magac daray “The Fault in Our Stars” Sushant waxuu kujilaa wiil fur furaj sido kalena kaftan badan.

Halka Sanjana jeclaneyso wiilkan balse wey xanuunsanee qeybaha dambe filimka waa qiiro xad dhaaf ah oraahda Sushant iyo geeridiisa ayaa isku soo aaday dad badan maba daawan karaan waayo waxuu mashruuca dhan ka hadlaa jaceylka, rajada iyo nolosha fadlan hoos ka daawo goos gooska Dil Bechara.

[embedded content]


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII