RASMI: Camavinga oo rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid isagoo kasoo dhaqaaqay Rennes

Sawir/Reuters

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay heshiiska ay kula soo wareegayso xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Eduardo Camavinga, kaas oo sidoo aanu saaka idiin soo gudbinay ay kooxdiisa Rennes xalay heshiis la gaadhay Real Madrid.

18 jirkan ayay Real Madrid saxeexiisa u jeedsatay markii ay ku guul-darraysatay Kylian Mbappe oo ahaa bartilmaameedkooda ugu weyn ee suuqa xagaagan, waxaanay laacibkan kusoo iibsatay €31 milyan oo Euro.

Camavinga ayaa tijaabada caafimaadka ku maray Faransiiska xalay markii ay labada kooxood heshiiyeen, isaguna uu ogolaaday heshiiskiisa shaqsiga oo shan sannadood ah, waxaana hadda uu si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu kaga mid noqonayo Real Madrid.

Fabrizio Romano oo ahaa wariyihii xalay saqdii dhexe dunida kaga yaabsaday warka heshiiska Camavinga oo aanay cidina hore ula soconin, ayaa waxa uu hadda sheegay in Camavinga uu qalinka ku duugay heshiiska, isla markaana ay Real Madrid haddaba diyaarinayso shaacinta qandaraaskiisa.

Da’yarkan oo lagu tilmaamo xiddigaha ugu wanaagsan ee usoo baxay kubadda cagta, ayaa hore waxay kooxdiisu ugu qiimaysay €100 milyan oo Euro oo ay ku xidhay kooxihii doonayey sida Manchester United iyo PSG, laakiin qiimihiisa ayay si weyn hoos ugu dhigtay maadaama uu laacibkani galay sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa Rennes.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here