RASMI: Agurero, Sterling & Firmino Oo Hogaaminaya Xiddigaha U Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii August Ee Premier League

Xiriirka Horyaalka Premier League ayaa soo saaray 6-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee bishii August ee la soo dhaafay ee horyaalka premier League.

Horyaalka ayaa bilowday bartamihii labadii todobaad ee ugu horeeyay bisha waxana jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii la ciyaaray bisha.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 4 gool bishii August isaga oo soo taabtay shabaqa kooxaha West Ham, Tottenahm, 2 gool oo uu ka dhaliyay Bournemouth halka uu 2 caawin sameeyay kulankii Brighton.

Weeraryahanka Burnley ee Ashley Barnes aya gool dhaliyay 3-dii kulan ee ugu horeeyay iyada oo ay ka mid yihiin 2 gool oo uu ka dhaliyay Southampton iyo 2 gool oo uu ka kala dhaliyay Arsenal iyo Wolves.

Kevin De Bruyne ayaa dhankiisa caawiye ka noqday 5 gool 4-tii kulan ee premier League isaga oo gaadhay 50 caawin 123 kulan oo uu ciyaaray halka uu sidoo kale gool dhaliyay kulankii Brighton.

Roberto Firmino ayaa isagu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 2 gool sidaasna ku noqday xiddigii ugu horeeyay ee reer Brazil ah ee gaadha 50 gool premier League halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool.

Teemu Pukki ayaa isagu noqday hogaamiyaya Norwich city isaga oo dhaliyay 3 gool oo xidhiidh ah sidaasna ku noqday xiddigii 10-aad ee u dhashay Finland ee dhaliya 3 gool oo xidhiidh ah kulamadiisii ugu horeeyay premier League waxa uu sidoo kale saddexley ka dhaliyay Newcastle.

Raheem Sterling ayaa dhankiisa wacadaro dhigay isaga oo dhaliyay saddexley sidoo kale goolal ka dhaliyay Tottenham iyo Bournemouth.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here