Rajadii Arsenal Ee Europa League Oo Dhamaatay, Aston Villa Oo Casaanka Kaga Soo Baxday Iyo Gunners Oo Qali Jab Loogu Beddelay Guulihii Liverpool & Man City

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Arsenal ayaa la kulantay guul-darro niyadjab ah oo si buuxda ay ugaga hadheen tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe oo ay markii hore rajo ka qabeen inay usoo gudbi ahaan, waxaana soo afjartay Aston Villa oo ku garaacday 1-0.

Aston Villa ayaa guul muhiim ah oo ay casaanka kaga soo baxday ka gaadhay Arsenal oo ay ku martigelisay Villa Park, waxaana goolka madiga ah ee saddexda dhibcood ay ku heshay u dhaliyey  Trezeguet qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Arsenal ayay guul-darradani u xaqiijisay in wax kasta oo ay sameeyaan ay aanay fursad u heli doonin inay tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe ka qayb-geli karaan xattaa haddii kooxaha ka horreeya oo dhan laga wada badiyo kulanka hadhay.

Advertisements

Arsenal ayey u ahayd habeen xun oo niyad-jab leh, isla markaana ay qaab ciyaareed wanaagsan waayeen, sidoo kalena aanay abuurin fursado ay goolal ku dhalin karaan.

Shaxda labada kooxood

ARSENAL (3-4-3): Emiliano Martinez; Rob Holding, David Luiz, Saed Kolasinac; Cedric Soares, Dani Ceballos, Lucas Torreira, Bukayo Saka; Eddie Nketiah, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Granit Xhaka, Joseph Willock, Matt Macey, Hector Bellerin, Matthew Smith, Nicolas Pepe, Sokratis, Kieran Tierney, Ainsley Maitland-Niles.

ASTON VILLA (4-3-3): Pepe Reina; Ahmed El Mohamady, Ezri Konsa Ngoyo, Tyrone Mings, Matt Targett; John McGinn, Conor Hourihane, Douglas Luiz; Trezeguet, Mbwana Samatta, Jack Grealish.

Kaydka: Jota, Henri Lansbury, Frederic Guilbert, Keinan Davis, Orjan Nyland, Kortney Hause, Marvelous Nakamba, Anwar El Ghazi, Indiana Vassilev.

Mikel Arteta ayaa shan beddel ku sameeyey shaxdii uu guusha weyn kaga gaadhay Manchester City Axaddii ee uu kaga reebay tartanka FA Cup, waxaanu kaydka u diray Bellerin iyo Tierney halka uu Mustafi dhaawac ka yahay. Waxa uu ku daray Pepe oo uu ka doorbiday Nketiah oo ganaax kasoo laabtay iyo Xhaka oo uu booskiisa keenay Torreira.

Aston Villa ayaa qaab dhiiranaan badan ka muuqato ku bilaabatay ciyaarta maadaama ay ka ordayso inay heerka labaad u degto, waxaana kubbado uu khadka dhexe ka daadihinayey Jack Grealish uu ku habayay weeraryahannada oo iyaguna culays ku hayay difaaca inkasta oo Arsenal ay dhinaceeda kubbad wanaagsan oo isku dhiib ah samaynaysay.

Aston Villa ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 27aad markaas oo uu gool u dhaliyey Trézéguet oo shabaqa Arsenal dhex dhigay kubbad uu ka helay Mings.

Inkasta oo 61% ay Arsenal ciyaarta maamulaysay qaybta hore, haddana waxay goolka ku toogteen hal mar oo kaliya 37kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, taas oo muujinaysay sida ay Villa u xakamaysay xiddigaha Gunners.

Qaybta labaad ayuu bilowgeedii Mikel Arteta soo raaciyey Granit Xhaka oo beddelay Torreira, waxaanu ka daba keenay Nicolas Pepe oo beddelay David Luiz, waxaanay markaas kaddib kubadda Arsenal samaysay xoogaa horumar ah, iyagoo gaadhay meelihii marka hore ku adkaa, laakiin waxa dhibaato ku noqotay sidii ay xerada ganaaxa u geli lahaayeen.

Daqiiqaddii 72aad ayay Aston Villa ku dhowaatay inay ciyaarta labayso, waxaanay kubadda la hor tageen goolka Arsenal, laakiin kubadda ayaa inyar dhinaca ka martay.

Arsenal ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay, waxaana kubbad koorne ahayd madaxa ku qabtay Nketiah oo birta ka jaray, waxaana kubadda oo soo noqotay isku duubay Pepe Reina.

FURSAD: Arsenal ayaa daqiiqaddii 87aad ee ciyaarta heshay fursad, waxaana kubbad loo dhigay laynka dushiisa kaddib qalad lagu galay Pepe, waxaana kubadda oo lagu soo dhex tuuray ciyaartoyda labada kooxood ay inyar goolka ka martay xagga sare.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Aston Villa oo xaqiijisatay inay kasoo baxday casaanka iyadoo farqiga goolasha kaga sare martay Watford oo ay Manchester City 4-0 ku garaacday.

Laakiin Arsenal ayaa si rasmi ah uga hadhay tartanka Europa League oo ay markii hore rajo ka qaybtay inay usoo bixi karto, waxaanay si buuxda ugu negaadeen kaalinta tobnaad, iyagoon wax rajo ah ka qabin inay meel ka sarraysa usii socon karaan.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII