Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Kuwajahan Dhuuso mareeb & Xaaf Oo Badelaya Naqshadiisii

0

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa la sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Warar ayaa sheegaya in Wasiir Cabdi Sabriye utaag waayey Xalinta Xiisada Galmudug taasi oo sabab ka dhigtay in Wasiirka Koobaad Xukuumada loo diro kala fur furida arimaha soo kordhay.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha uu doonayo inuu la fadhiisto marka uu tego Dhuuso mareeb Madaxweyne Xaaf balse lama oga sida ay wax ku dhici karaan.

Wasiirka tan iyo markii Wafdiga uu horkacayey Tegeen Dhuuso mareeb ma aysan jirin is horfadhiisi ay sameeyaan Madaxweyne Xaaf markii uu diiday in Wafdigaasi la shiro.

Xaalka ayaana meel culus gaaray qadiyada Galmudug,lamana sheegin sida ay ku dambeyn karto xilli Xaaf uu go’aan adeegiisa wax badan sahal unoqon doonaan.

Ahlusunada Gobollada Dhexe ee ku biiray Galmudug Heshiiskii Jabuuti ayaa sad bursi ku sameeyey Xaaf kana door bideen Heshiiskii ay hore siyaasad ahaan ugaleen Lacag iyo Xilal loo ballan qaadayna Dawlada Dhexe la saftay oo Xaaf ay ku baal mareen wixii ay isku ogaayeen.

Saraakiil katirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare kheyre waxay xaqiijiyeen inay jiraan qaban qaabada Wafdigaasi ku wajahan Dhuuso mareeb Ee Doonaya bal inay ka miro dhaliyaan natiijada Galmudugta loo maaro waayey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa badelaya Naqshadiisa,Lacag inuu qaadan doono ayaa laga yaabaa,xilli Ra’iisal Wasaaraha uu awood siyaasadeed in wax lagu qabto ay suurta gal noqon weyday hadda la dhigayo dabino siyaasadeed si loogu soo dumo kuwa didsan ee Dawlada mucaaradsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here