Raiisal wasaaraha oo ka qeyb galaya Xaflad loogu Dabaaldegayo Magacaabidda Guddoomiye Cumar Filish

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya xaflad loogu dabaaldegayo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo xilka haya muddo bil ah, kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore C/raxmaan Yariisow oo sababsaday qarax ka dhacay Xarunta G/Banaadir.

Xaflada oo ka dhaceysa Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, wasiiro, xildhibaan, taliyeyaasha ciidamada iyo madax kale, iyadoo lagu soo bandhigayo heeso iyo suugaan lagu amaanayo guddoomiyaha cusub ee G/banaadir iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana loogu magacaabay Mahadcelin magacaabidda Guddoomiyaha G/Banaadir

Xafladaha faraha badan ee maamulka Gobolka banaadir iyo dowladda Somalia abaabulaan xilli uu dalku ku jiro xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran ayaa ka mida arrimaha lagu dhaliilo madaxda dowladda Soomaaliya oo kharash badan ku bixiya xaflado noocan oo kale ah.

HOOS KA DAAWO -TOOS

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here