Qorshihii Qarsoonaa ee Madaxweyne Farmaajo oo soo shaac baxay (Warbixin Xasaasi ah)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kadib tallaabadii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ku dhawaaqay ee ahayd in Baarlamaamka uu kalsoonidii kala laabtay xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa si degdeg u taageeray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

In Muddo ah waxaa socday Qorshaha maanta lagu dhaqaaqay ee ah inuu Madaxweyne Farmaajo isku furto Ra’iisal wasaarihiisa si uu u helo muddo kororsi, waxaana arrintan si hoose uga shaqeynayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey oo kulamo ay la yeesheen Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ugu soo bandhigeen inay qaataan xilka Ra’iisal wasaaraha oo ay ogolaadaan laba sano oo muddo kordhin ah.

Dhinaca kale waxaa qorshahan 2 sano oo muddo kordhin ah oo la weydaarsado Xilka Ra’iisal wasaaraha markii ugu horeysay laga maqlay la-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo saaxiibada ugu dhow ee siyaasadda kala taliya, iyadoo kala shakiga labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uu taagnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha oo hoosta ka riixayey guddoonka Baarlamaanka ee Mursal iyo Muudey ayaa si degdeg u taageeray kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Kheyre ee sidii la ogaa ku dhacday, intii aanu soo gaarin qoraalka Guddoomiye Mursal, taasoo caddeyn kale inuu ahaa qorshe Niyukliyeer ah oo uu watay Madaxweyne Farmaajo iyo ayna la gashay rabitaankiisa muddo kororsiga, kaasoo isku fuuqsaday qodobkii ugu muhimsanaa dowladiisa ku doodi jirtay ee xasilooni siyaasadeed.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xasan Cai Kheyre ayaa degdeg ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa inuu diido kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka ee Wasiiradiisa ugu dhow ku tilmaameen sharci darrada, taasoo keeni doonto kala qeybsan dowladeed iyo inuu dalku qalo qalalaase siyaasadeed oo horseeda inay faragelin ka timaada Beesha Caalamka.

Isbedel xukuumadeed oo yimaada iyadoo ay Baarlamaanka u harsan tahay 3 bilood, madaxweyaha 5 bilood oo kaliya wuxuu ka dhigan yahay khilaaf siyaasadeed yimaada xaalad kala guur ah oo dib dalka ugu celineysa 2011, waxaana cad in Madaxweynaha ku doonayo muddo kale uu xilka sii joogo, kadib afarii sano ee loo doortay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII