Qodobkii ugu muhiimsana shirka dhuusamareeb oo aan la isku afgaran.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalmihii udanbeeyay Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb waxaa shir ugu socday Dowlad Goboleedyada & DFS, shirkaaso ujeedadiisa ugu wayn wuxuu ahaa in laga hishiyo nooca doorasho ee dalka kadhaceyso 2020 / 2021 .

Shirar habmaamuuskiisa aad u liito oo mudo socday wax natiijo ah kama soobixin qodobkii ugu weyna ee la isku hayay maadama mudo xileedka Madaxda Dowlada uu gabaabsi yahay isla markaasna Gudiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ay baarlamaanka kahor cadeeyeen in ay ubaahan yihiin mudo kordhin si ay usameeyan doorasho waafaqsan sharciga doorashooyinka dalka .

Arrintaas oo dood wayn ka abuurtay dhamaan saamileeda siyaasadeed jahwareerna galisay waqtga kala guurka dalka waxaa cadaadis ay sameeyen Dowlad Goboleedyada & beesha caalamka lasuuragaliyay in dheesamareeb lagu qabto shirka wadatashiga Dowlad Goboleedyada & DFS.

Muqdisho Online oo horay u tabisay in wax natiijo micna leh uusan kasoo baxeynin shirka maadama ay heshay macluumaad muujinayo in Madaxweyne farmaajo uusan daacad ka aheyn shirka & in doorasho waqtigeeda ku dhacdo maadama uu naawilaayo mudo kordhin laba sano.

waxaa loobalamay in 15 August  la isugu yimaado dhuusamareeb si looga sii amqaado wadahadalka & in laga hishiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020 / 2021.

Muqdisho Online waxey shacabka soomaaliyeed waydiineysa Madaxweyne Farmaajo 15 maalin maku filan inuu rayigiisa badalo asagoo 3 sano  & bar abaabulayay mudo kordhin 2 sano ah iyo in doorasho waqtigeeda lagu qabanin.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Qodobkii ugu muhiimsana shirka dhuusamareeb oo aan la isku afgaran. appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII