QM oo war kasoo saartay shirka madax goboleedyada ee ka dhacaya Dhusamareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ka hadlay shirka ay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya dhowaan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

UNSOM ayaa barta twitter-ka soo dhigay qoraal ay Qaramada Midoobe kusoo dhaweyneyso shirka ay maamul goboleedyada ku qabsan doonaan Dhuusamareeb.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in shirka gaarka ah ay yeelanayaan maamul goboleedyada uu hordhac u yahay shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee looga hadlayo Doorashooyinka, Xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka.

“Xafiiska Qaramada Midoobe wuxuu soo dhaweynayaa shirka ay qorsheeyeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo hordhac u ah shirweynaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo looga wada xaajoonayo arrimaha aas-aasiga ah ee muhiimka u ah qaranka oo ay ka mid yahiin: Doorashooyinka, xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ay ku heshiiyeen iney 9-ka bishaan ku kulmaan magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan masiirka siyaasadda dalka iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka amniga qaranka.

Iyadoo uu jiro saluug siyaasadeed oo ay qabaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hadana laga dhaadhiciyay iney gaaraan Galmudug si looga wada hadlo arrimo badan iyo sidii loo dar-dar galin lahaa arrimaha doorashooyinka.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII