Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Xasuuqa Geysatay – Xiddigihii Wacdaraha Dhigay & Xiddigihii Fashilmay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka danbe ka dib markii ay soo galeen kaalinta afaraad iyagoo 5-2 ku xasuuqay kooxda Bournemouth.

Man United ayaa hal dhibic ka sareysa Chelsea oo u dhacday kaalinta shanaad kuwaasoo caawa martigelinaya kooxda Watford.

Labo gool uu dhaliyay Mason Greenwood iyo goolal ay kala dhaliyeen Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Bruno Fernandes ayay guusha ku xaqiijisatay kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

Greenwood ayaa cadeeyay inuusan aheyn xiddiga mustaqbalka balse uu yahay xiddiga maanta iyadoo 18 jirkaan uu cagtiisa bidix iyo midig ku kala dhaliyay labo gool oo qurux badan.

Xiddiga Garoonka – Mason Greenwood (Man United)

Bruno Fernandes ayaa u qalma isna in la xuso madaama uu mar kale wacdarro dhigay isagoo dhaliyay gool islamarkaana caawiye ka ahaa labo gool kale, laakiin abaalmarinta xiddiga garoonka waxaa muteystay 18 jirka Mason Greenwood kaasoo labo gool oo qurux badan dhaliyay isagoo sidoo kale ka dhex muuqday weerarka kooxda Manchester United.

Xiddigaha kale ee wacdaraha dhigay waxaa ka mid ah Anthony Martial, Marcus Rashford, Paul Pogba iyo Aaron Wan-Bissaka.

Xiddigaha sida liidata u ciyaaray ee Manchester United waa labo xiddig kale kuwaasoo sabab u ahaa goolkii ugu horeysay ee ay Bournemouth dhaliso waana goolhaye David de Gea iyo kabtan Harry Maguire kuwaasoo helay qiimeynta ugu hooseysa ee xiddigaha Man United.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Manchester United: De Gea 4, Wan-Bissaka 7, Lindelof 6, Maguire 5, Shaw 6, Matic 6, Fernandes 8, Pogba 7, Greenwood 9, Martial 8, Rashford 8.

Bedel: Bailly 5, Fred 6, James 6, Ighalo 5, Mata 6.

Bournemouth: Ramsdale 7, Smith 4, Kelly 5, Ake 5, Rico 4, Brooks 5, Cook 5, Lerma 4, Stanislas 6, King 6, Solanke 4.

Bedel: Danjuma 6, Billing 5, Gosling 5, Wilson 5, Stacey 5.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII