Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Ku Hor Kuftay West Ham – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoona? Waase Kuwee Seddexda Xiddig Ee Niyadjabiyay Man united?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Machester United waxaa ka daba yimid daalkii sababtoo ah ma heystaan xiddigo tayo leh oo ka baxsan 11ka garoonka soo galeysa, waana sababta uu Solskjaer shan jeer oo isku xigta u soo safay shax isku mid ah taasoo u shaqeysay.

Laakiin haatan daalkii ayaa ka daba yimid xiddigihii sida joogtada ahaa loo ciyaarsiinayay iyagoo wajahaya kulan geeri ama nolol ah oo ay la ciyaarayaan Leicester City.

Xiddiga Garoonka

Declan Rice (West Ham) Wuxuu ahaa xiddiga ka muuqday garoonka. Rice ayaa si fiican u agaasimay kooxdiisa, wuxuu soo bandhigay tayo fiican mar kasta uu kubada heysatay. Wuxuu ahaa hanjabaada kaliya ee ka dhaqdhaqaaqeysa kooxda West Ham oo kubad difaacasho adag ah la ciyaartay Red Devils.

Advertisements

Xiddigaha Fashilmay

Paul Pogba ayaa qasaare weyn u geystay kooxdiisa kulankii maanta isagoo galay rigoore laga maarmay. Gary Neville oo ciyaarta u tabinayay Sky Sports ayaa ku eedeeyay Pogba inuu naftiisa u huri waayay kooxda isagoo doorbiday inuu kubada gacanta isaga dhigo bedelkii ay wajiga uga dhici laheyd.

Xiddigaha kale ee Man United ee sida qaabka daran u ciyaaray waxaa ka mid ah Nemanja Matic oo maamuli waayay khadka dhexe iyo Marcus Rashford oo ciyaarta ku dhumay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYTDA

Manchester United: De Gea 6, Fosu-Mensah 5, Lindelof 6, Maguire 7, Williams 6, Matic 4, Pogba 4, Fernandes 5, Greenwood 7, Martial 5, Rashford 4.

Bedel: Wan-Bissaka 6, Ighalo 6.

West Ham United: Fabianski 6, Johnson 7, Diop 6, Ogbonna 7, Cresswell 6, Soucek 6, Rice 7, Bowen 7, Noble 6, Fornals 6, Antonio 7.

Bedel: Masuaku 6, Haller 6, Yarmolenko 6.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII