Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man City & Bournemouth – Xiddigii Garoonka Iyo Laacibkii Ceeboobay Oo City Isku Darsatay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester City ayaa guushii saddexaad oo xidhiidh ah gaadhay, waxaanay libin ay ku rafaaday ka gaadhay Bounemouth oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.

Pep Guardiola ayaa lix isbeddel ku sameeyey ciyaartoydii uu kula ciyaaray Brighton, waxaanu laacibiintiisan usii kaydsaday kulanka Semi-finalka FA Cup ee ay Sabtida kula ballansan yihiin Arsenal.

David Silva ayaa ciyaarta oo lix daqiiqadood oo kaliya socota goolka koowaad u dhaliyey Manchester City, midka labaadna waxa ugu daray Gabriel Jesus dhamaadka qaybta hore.

Advertisements

Weeraryahanka reer Brazil ayay u ahayd ciyaartiisii 100aad ee Premier League, waxaanu ugu dabbaal-degay gool uu kubadda kala soo galay dhinaca bidix, kaddibna goolhaye Aaron Ramsdale awood ku dhaafiyey.

Man City ayaa kulanka intiisa badan gacanta ku haysay, ciyaartana ugu raaxaysanaysay si wanaagsan, laakiin laacibkii ugu xumaa iyo midkii ugu wanaagsanaa ayaa intaba Citizens ay qaadatay.

Ciyaartoygii ugu fiicnaa

David Silva oo goolka koowaad u dhaliyey Manchester City, markii uu shabaqa ku hubsaday laag xor ah oo uu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, ayaa qayb ka qaatay goolka labaad ee Jesus uu dhaliyey.

Caawinta uu sameeyey ayuu ku noqday ciyaartoygii saddexaad ee Premier League ugu da’da weynaa ee xili ciyaareed gudihii sameeya in ka badan 10 gool caawin.

Ruug-caddaaga reer Brazil ayaa loo doortay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa garoonka iyadoo uu helay darajada 8 qiimayntii guud ee kulanka, mana jirin laacib la mid ahaa oo darajadan helay.

Halka uu Silva kaga faraxsanaa waxqabadkiisa, goolka uu dhaliyey, caawinta uu sameeyey iyo waliba xiddiga garoonka ee loo doortay, waxay habeen madow u hayad difaaca reer France ee Mendy oo noqday laacibkii ugu liitay garoonka, isla markaana helay darajada 4 ee qiimayntii ciyaarta.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda kulankii Man City & Bournemouth

Advertisements

Manchester City: Ederson (7), Walker (5), Stones (5), Otamendi (5), Mendy (4), David Silva (8), Gundogan (6), Fernandinho (7), Bernardo Silva (6), Jesus (7), Foden (6).

Beddelka: Sterling (6), Garcia (4), Rodri (6), Zinchenko (5), Mahrez (5).

Bournemouth: Ramsdale (6), Stacey (7), Kelly (6), Steve Cook (6), Rico (6), King (7), Billing (7), Lerma (7), Gosling (6), Stanislas (7), Solanke (6).

Beddelka: Callum Wilson (7), Brooks (7), Lewis Cook (6), Harry Wilson (6), Surridge (n/a).

Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII