Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Crystal Palace & Man United – Xiddigii Garoonka Iyo Laacibiintii Fashilmay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester United waxay guul muhiim ah ka gaadhay Crystal Palace oo ay marti u ahayd, waxaanay sii kordhisay dagaalka ay ugu jirto booska afraad iyadoo la dhibco noqotay Leicester City oo dhinaca goolasha kaga horreysa.

Red Devils waxay guusheeda uga mahad celinaysaa VAR oo laba jeer badbaadisay, isla markaana sabab ugu noqotay guusha ay kala hoydeen Selhurst Park.

Marcus Rashford ayaa goolka koowaad u dhaliyey Manchester United dhamaadka qaybta hore, waxaana mid labaad u raaciyey Anthony Martial oo qaybtii dambe goolkiisa saxeexay.

Advertisements

Crystal Palace ayaa ciyaarta ku gacan sarraysay, waxaanay David de Gea ku dhowaadeen inay shan gool ka dhaliyaan laakiin goolhayaha reer Spain ayaa dhamaantood iska difaacay.

Marka laga yimaaddo shanta badbaadinood, Crystal Palace waxay dhalisay gool ay ciyaarta kaga dhigtay 1-1, waxaana saxeexay Jordan Ayew toban daqiiqadood markii ay socotay qaybta dambe, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa caddeeyey inuu OFFSIDE jiray ka hor inta aanu goolku dhalan.

Xiddigii garoonka

Kubbad-sameeyaha reer Portugal ee Burno Fernandes ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, waxaanay u ahayd habeen kale oo uu bandhig cajiib ah sameeyey inkasta oo aanu gool dhalinin.

Fernandes ayaa helay qiimayntii ugu sarraysay kulanka oo ahayd darajada 9, waxaanu ka sarreeyey shan ciyaartoy oo laba Crystal Palace yihiin, saddexna Man United oo si heersare ah isku muujiyey.

David Dea oo badbaadino badan sameeyey, Anthony Martial, Marcus Rashford, Saha iyo Ayew ayaa bandhig ciian sameeyey, waxaanay heleen darajada labaad ee ku xigtay Fernandes oo ahayd 8.

Laacibkii ku fashilmay garoonku waxa uu noqday difaaca Crystal Palace ee Sakho oo qiimayntii ugu hoosaysay oo ahayd 5 ka helay ciyaarta, mana jirin laacib qiimayn sidaa u hoosaysa kasbaday.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Crystal Palace: Guaita (6), Ward (6), Van Aanholt (7), Dann (7), Sakho (5), McArthur (7), McCarthy (7), Milivojevic (6), Townsend (7), Zaha (8), Ayew (8)

Beddelka: Mitchell (6), Schlupp (6)

Advertisements

Manchester United: De Gea (8), Fosu-Mensah (7), Lindelof (7), Maguire (7), Wan-Bissaka (6), McTominay (7), Pogba (6), Fernandes (9), Greenwood (6), Martial (8), Rashford (8)

Beddelka: Matic (7), Lingard (6)

Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII