Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal & Liverpool – Xiddigii Garoonka Iyo Laacibiintii Fadeexadoobay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Arsenal waxay guul weyn ka gaadhay Liverpool oo ay ku garaacday 2-1, waxaana gool lagala hor maray usoo beday Lacazette iyo Reiss Nelson.

Liverpool ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 20aad, waxaana u dhaliyey Sadio Mane oo uu u ahaa goolkiisii 17aad ee xili ciyaareedkan, laakiin laba qalad oo ay sameeyeen Virgil van Dijk iyo Alisson Becker ayaa lagu ciqaabay Reds, waxaana midka hore oo ahayd kubad goolka hortiisa lagag aqaaday Van Dijk goolka ku hubsaday Lacazette, midka labaadna waxa raaciyey Reiss Nelson oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhae Alisson oo baas qaldan bixiyey.

Qaybta hore ayay labada kooxood goolashooda dhashadeen, dhamaadkiina waxa niyad xumo iyo wajigiisa oo foorara garoonka ka baxay tababare Jurgen Klopp iyo xiddigaha koobka u horseeday ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Firmino, kuwaas oo ay caddaatay in aanay shaqayn karayn Jordan Henderson la’aantii.

Advertisements

Kabtanka Liverpool ayaa ku maqan dhaawac la filayo in ilaa kulamada ugu horreeya ee xili ciyaareedka dambe uu kasoo gaadhi waayo, taas oo haddii ay dhacdo jug weyn ku ah Reds.

Ciyaarta inteeda badan waxa maamulanaysay Liverpool oo ka faa’iidaysanaysay Mikel Arteta oo nasiyey ciyaartooyo badan oo uu ka mid yahay Aubameyang, kuwaas oo uu u dhigtay kulanka Semi-finalka FA Cup ee ay Sabtida la ciyaari doonaan Arsenal.

Xiddigii garoonka

Guud ahaan ciyaarta waxa ugu wanaagsanaa labada weeraryahan ee Arsenal labada gool u kala dhaliyey ee Lacazette iyo Nelson, waxaanay labadooduba iska caawiyeen in midba goolka markiisa dhaliyo.

Lacazette iyo Nelson waxay qiimaynta ciyaartoyda ka heleen darajada ugu sarraysay kulanka oo ahayd 8, laakiin waxa xiddignimada garoonka qaatay Lacazette oo hoggaamiyaha kooxda ahaa, sidoo kalena ka shaqo badnaa laacibka da’da yar ee Nelson.

Laacibiintii fadeexadoobay

Fadeexaddii ugu weynayd waxay ku dhacday Virgil van Dijk iyo Alisson Becker oo guul-darrada kooxooda sabab u ahaa.

Halkii laga sugayay inay shaqadooda difaaca qabtaan oo kubbadaha loola yimaaddo goolkooda ka ilaaliyaan, waxay bixiyeen laba kubbadood oo ay siiyeen ciyaartoyda Arsenal si looga dhaliyo, waana labada qalad ee labada gool noqday.

Labadan ciyaartoy waxay kulanka ka heleen qiimayntii ugu hoosaysay, mana jirin ciyaartoy sidooda oo kale bahdilaadda iyo darajada hoose ula qaybsadaan.

Van Dijk iyo Alisson, waxa uu mid walba helay darajada 4 ee qiimayntii kulanka, waxaanay xataa kasii liiteen ciyaartoydii beddelka kusoo galay ee waqtiga badan u waayey inay ciyaarta isbeddelka ku sameeyaan.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood:

Arsenal: Martinez (7), Cedric (6), Holding (7), Luiz (7), Tierney (7), Nelson (8), Xhaka (7), Torreira (6), Saka (6), Pepe (6), Lacazette (8).

Beddelka: Maitland-Niles (6), Ceballos (5), Willock (5), Aubameyang (5), Kolasinac (n/a).

Liverpool: Alisson (4), Alexander-Arnold (6), Gomez (6), Van Dijk (4), Robertson (7), Fabinho (6), Wijnaldum (6), Oxlade-Chamberlain (6), Salah (7), Firmino (6), Mane (7).

Beddelka: Keita (5), Minamino (6), Shaqiri (n/a), Origi (n/a).

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII