Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho & Faah faahino laga helay Khasaaraha

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax Baqannimadii Maanta oo ka dhacay Nawaaxiga Biyo dega Sii-sii oo u dhexeeya Isgosyada Sanca iyo Fagax ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warrramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana ay qaraxday xili uu halkaas uu marayay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Sanca, iyagoo aaga xiray, hayeeshee daqiiqado kadib furay.

Lama soo weriyay Khasaaro ka dhashay qaraxaas ka dhacay biyo dega Sii-sii ee Muqdisho, waxaana wararka qaarkood ee la helayo ay sheegayaan in xiliga uu qaraxu dhacaayay gaariga goobta marayay uu lahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana waxaa  qaraxyadaas ka dhasha Khasaaro, iyadoo habeeno kahor qarax miino oo ka dhacay Isgoyska Talaax uu ku dhintay mid kamid ahaa Shaqaalada Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII