Qarax Xooggan oo ka dhacay Kismaayo & Xog laga helayo Khasaaraha ka dhashay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay magalaada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Bambo gacmeed ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taalla  Kismaayo.

Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa inta badan waxaa fadhiista Ciidanka maamulka Jubbaland, waana Mid lagu cabo Shaaha.

Waxaa Qaraxaasi ku geeriyooday wiil yar oo 12 sano jir ah oo ku sugna goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo ku sugnaa Maqaayadd Bambadda lagu tuuray.

Ciidanka Jubbland ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII