Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Gobolka Bay & Khasaaraha Ka Dashay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Qarax ka dhacay Xaafadda Suuqa xoolaha ee Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay,waxaana soo baxaya khasaaraha ka dashay qaraxaas.

Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la og yahay labo kalane waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo miino ahaa kana dhacay Halkaasi oo mashquul badnaa.

Meesha Qaraxa ka dhacay ayaa aheyd Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee degmada Buur hakaba Ee Gobolka Baay.

Waa goob mashquul badan oo aad looga kala iibsanayey xoolaha nool,ciidamada Amaanka ayaa meesha tegay markii dambe oo ay diideen in laga ag dhawaado.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII