Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay mararayeen agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee lala bartilmaameedsaday miinadaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan iyo sidoo kale rasaasta xigtay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Waa qaraxii labaad ee 24-saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona shalay weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga iskuul Buluusiya, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo isugu jira askar & dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here