Qarax Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho Ciidamo Ka Tirsan Milateriga Dowladda & Wararkii ugu danbeeyay…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Soomaaliya xili ay socdaal ku marayeen Isbaarada Shabeelle oo ku dhaw deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidankii lala eegtay.

Sidoo kale Qaraxa Miinada ayaa waxaa uu haleeyay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda,kuwaasi oo ka baxay Muqdisho,kuna sii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose,hayeeshee uu qaraxaas ku qabsaday Isbaarada Shabeelle.

Ciidamo dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,isla markaana gurmad deg deg ah u sameeyay Ciidankii ku waxyeelobay qaraxaas,waxaana halkaas ay ka soo qaadeen dhaawacyada iyo Meydadka Askarta.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay Isbaarada Shabeelle oo ku dhaw deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magalada Muqdisho.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here