Qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ka bad-baaday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, kaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu lahaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey Jimcaale.

Dad goobjoogayaal ayaa warkii.com u sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana  ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha Caasimada ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah ee lala eeganayo mas’uuliyiinta dowladda askarta ku sugan M/ Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII