Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhacay agagaarka maqaaxi ku taalla dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here