Qaladaadkii uu Sameeyay Ole Gunnar Solskjaer Kulankii Aston Villa oo lasoo bandhigay

Ole Gunnar Solskjaer ayaa niyad-jabkii labaad  oo xidhiidh ah uu soo gaadhay kaddib markii ay Manchester United guul-darro kala kulantay Aston Villa oo ku garaacday Old Trafford saddex maalmood kaddib markii ay West Ham kasoo reebtay EFL Cup /Carabao Cup.

Labada kooxoodba wax goolal ah ma aanay helin qaybtii hore, waxaanu shabaqa United furmay xilli laba daqiiqadood oo kali ahi ka  hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta halka rikoodhe uu Edinson Cavani u keenay Red Devils uu ka khasaariyey Bruno Fernandes.

Intii ay ciyaartu socotay iyo ka hor xulashadii shaxda koowaad ba, Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameeyey qaladaad dhawr ah oo haddii aanu sidaas yeeli lahayn ay kooxdiisu ka badbaadi kari lahayd guul-darrada.

Kalsoonidii uu siiyey Mason Greenwood

Inkasta oo uu ka  mid ahaa ciyaaryahannada ugu wanaagsanaa Manchewster United kulankii maanta, haddana waxa uu Ole Gunnar Solskjaer ogaa in aanu laacibkani wax gool ah dhalinin tan iyo ciyaartii Wolves ee bishii hore.

Ole ayaa ku fikirayay in Greenwood uu kubbado madax ah u keeno Ronaldo maadaama uu garabka ka ciyaarayay, waxaana uu bandhiggiisa u fiican sameeyey qaybta hore, iyadoo uu u qalmayay inuu dhaliyo gool daqiiqaddii 18aad, laakiin inuu kusoo bilaabo ciyaartoy dhaliye ah kusoo bilaabo amaba uu khadka dhexe awoodda saaro, waxay noqon lahayd dookh wanaagsan.

Soo laabashadii Ronaldo iyo sidii loo waayey

Cristiano Ronaldo ayaa kusoo bilowday kaddib ciyaar la nasiyey. Saddexdii kulan oo uu u dhaliyey afar gool kaddib waxay u ahayd ciyaar uu hurdo oo uu ku lumay garoonka dhexdiisa, iyadoo uu ahaa go’doon aan saamayn ku lahayn garoonka.

Go’aan fudud ayay u ahayd Solskjaer inuu kusoo bilaabo Ronaldo, laakiin ma ahayn inuu kalidii weerarka hore joogo, waxaana  caddayn kuu ah in markii uu soo galay Edinson Cavani ay Manchester United culays badan abuurtay.

Difaaca Aston Villa ma aanu xammili kareen cadaadiska Ronaldo iyo Cavani oo fursadaha ay helaan si fudud uga faa’iidayn kara iyagoo yaqaana sida loo boos qaato iyo halka ugu habboon ee ay tahay in la istaago xilliyada koorneyaasha iyo kubbadaha dhinacyada ka yimaadda ee madaxa.

Doorashadii khadka  dhexe

Donny van de Beek ayaa soo bandhigay ciyaar fiican kulankii West Ham ee Carabao Cup ee toddobaadkii hore, laakiin Solskjaer ayaa u ka doortay McTominay oo kasoo laabtay dhaawac, walina aan helin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa iyo Fred oo isagana hal-abuurku ku yaraa.

Kulankan ayaa fursad fiican u noqon lahaa Van de Beek maadaama uu soo qaatay usbuuc wanaagsan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com