Puntland oo xabsiga dhigtay siyaasi caan ka ah Boosaaso

Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Dr. Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale  ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa Shalay ciidamada Amnigu ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Boosaaso

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here