PSG oo 0-2 ku dubatay kooxda Reims, Kylian Mbappe oo labo mar Shabaqa soo taabtay iyo Messi oo soo muuqday

kooxda kubada Cagta ee PSG ayaa gaartay guul muhiim ah iyadoo booqasho ugu tagtay kooxda Reims kulan ka tirsan Horyaalka Ligue 1 Dalka Faransiiska, Xidiga Messi ayaana Caawa soo saftay kulankiisa ugu horeeyay isagoo badalay Neymar Daqiiqadii 65aad ee ciyaarta.

Sharaxaada Ciyaarta.

Kooxda Paris Saint-Germain ayay ku qaadatay 16 daqiiqo qabashada hogaanka ciyaarta kadib gool uu u dhaliyay Kylian Mbappe oo caawin ka helay Di Maria wixii intaasi ka danbeeyay iskudayo kale ayay sameeyeen PSG lakin ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay qeybta hore 0-1.

Qeybta danbe Kylian Mbappe ayaa mar kale shabaqa soo taabtay Daqiiqadii 63aad isagoo caawin ka helay xidiga Achraf Hakimi goolkaasi kadib labo daqiiqo waxaa ciyaarta lagu soo tuuray Lionel Messi kaasi oo badalay saaxiibkiisa Neymar lakin ma uusan sameyn isbadal weyn guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-2.

Natiijada kulanka ayaa ka dhigan in Paris Saint-Germain ay sii heyso hogaanka horyaalka iyadoo leh 12 dhibcood kadib afar kulan oo ay wada badisay.

Shaxda Kulanka

Reims XI: Y. Abdelhamid, P. Rajković, T. Foket, W. Faes, Moreto Cassamã, M. Munetsi, Gravillon, I. Kebbal, N. Mbuku, D. Lopy, E. Toure

Subs: Berisha, M. Cafaro, M. van Bergen, G. Konan, Y. Diouf, A. Flips, F. Doucouré, H. Ekitike

PSG XI: Wijnaldum, Di Maria, Navas, Verratti, Gueye, Neymar, Marquinhos, Kehrer, Diallo, Mbappe, Hakimi

Subs: Messi, Danilo Pereira, Paredes, Draxler, Kimpembe, Donnarumma, E. Ebimbe, Muinga

Kulanka Xiga

Kooxda PSG ayaa kulankeeda Xiga la ciyaareysa kooxda Clermont foot 14 bisha Semtemper.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here