PSG 2-0 Manchester City, Lionel Messi oo goolkii u horeeyay dhaliyay Caawa

Lionel Messi ayaa caawa shabaqa soo taabtay goolkiisa ugu horeeyay iyadoo PSG ay guul ka gaartay kooxda Manchester City kulan ka tirsan Champions league.

PSG oo xilli ciyaareedkan heysata xiddigo waa weyn ayaa ka talaabsatay kooxda macalin Pep Guardiola iyadoo Idrissa Gueye uu hogaanka u dhiibay bilowgii qeybta hore Daqiiqadii 8aad ka hor inta uusan Messi gool Qurux badan ku darin qeybta labaad guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 2-0.

Natiijadaana ayaa ka dhigan in PSG ay afar dhibcood ku hogaamineyso Group A, halka Club Brugge oo iyaduna caawa 2-1 ku garaacday Leipzig ay kaalinta labaad ku jirto iyadoo leh 4 dhibcood. Man City waxay ku jirtaa kaalinta 3aad iyagoo leh 3 dhibcood.

Shaxda ciyaarta lagu soo bilaabay

PSG XI: Messi, Herrera, Verratti, Gueye, Neymar, Marquinhos, Kimpembe, Mbappe, Donnarumma, Hakimi, Nuno Mendes

Subs: Wijnaldum, Navas, A. Letellier, Danilo Pereira, Kurzawa, Paredes, Draxler, Icardi, Kehrer, Diallo, Dagba, E. Ebimbe

Man City XI: Walker, De Bruyne, Mahrez, Sterling, Cancelo, Laporte, Ederson, Grealish, Ruben Dias, Bernardo, Rodri

Subs: Carson, Fernandinho, Ake, Stones, Z. Steffen, Jesus, Ferran Torres, Foden, J. Wilson-Esbrand, J. Mcatee

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com