Premier League oo ka hadlay Sababta kaalinta ugu horeeso loo galiyay kooxda Chelsea

Premier League ayaa cadeeyay sababta ay Chelsea ugu sarayso miiska kala saraynta premier League Liverpool inkasta oo ay labada kooxood isaga mid yihiin wax walba.

Labada kooxood ayaa wax walba isaga mid ah xilli ciyaareedkan hadii ay tahay dhibcaha, goolasha ay dhaliyeen iyo goolasha laga dhaliyay 5-ta kulan ee ay ciyaareen premier League.

Sida laga soo xigtay xeerka C.7, hadii ay labada kooxood isaga mid yihiin wax walba waxa lagu go’aamin doonaa sida ay u kala sareeyaan magaca dhanka qoraalka xarfada English-ka.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Chelsea ka horayso Liverpool kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka premier League inkasta oo ay isku dhibco yihiin sidoo kale isaga mid yihiin wax walba.

KooxahaChelsea iyo liverpool ayaa guulo gaadhay 4 ka mid ah 5-ta kulan ee ay ciyaareen horyaalka halka ay sidoo kale bar-baro galeen min hal kulan kaas oo ah midkii ay wada ciyaareen.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com