Pochettino oo ka Hadlay Bandhigii Xalay uu Sameeyay Xidiga Achraf Hakimi

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino ayaa amaanay Achraf Hakimi ka dib markii labadiisii ​​gool uu ilaaliyay bilowgii ugu fiicnaa kooxda Ligue 1.

Hakimi ayaa dhaliyay goolkii guusha ee ugu dambeeyay iyadoo la’anta Lionel messi PSG ay sii wadatay rikoorkeedii 100 % kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Metz bartamihii isbuuca.

Daafaca dambeedka midig ee kooxda PSG Hakimi ayaa dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii shanaad, kaliya wiilasha Pochettino ayaa waxaa ka barbareeyay Kiki Kouyate daqiiqadii 39-aad kubad madax ah.

Pochettino ayaa yiri: “Runtii waan ku faraxsanahay isaga, waa nin weyn, waa ciyaaryahan runtii wax badan noo keenaya, ma ahan goolasha oo kaliya, laakiin sidoo kale awoodiisa dhanka garabka si uu u ciyaaro daafac ahaan iyo weerar ahaanba.

Iyadoo uusan jirin xiddig weyn Messi dhaawac jilibka ah darteed, PSG waxay u muuqatay inay liidato kulankan, laakiin kaarka cas ee Dylan Bronn ee kaarka jaalaha labaad ayaa  ciyaarta wax badan ka badalay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com