Petr Cech Oo U Duulaya Jarmalka Si Uu Usoo Dhamaystiro Heshiiska Ay Chelsea Kula Wareegayso Kai Havertz

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Chelsea ayaa wada hadallo la bilowday kooxda reer Germany ee Bayer Leverkusen oo ay ka doonayso kubbad sameeyaha da’da yar ee  Kai Havertz.

Sida uu ku warramay Sky Germnay, 21 jirkan ayaay Blues heshiiskiisa ku dhowdahay, waxaana Jarmalka u duulaya Petr Cech oo ah lataliyaha dhinaca Farasmada Chelsea si uu usoo dhamaystiro heshiiska uu laacibkani ku imanayo kooxda reer London.

Chelsea ayaa la rumaysan yahay in maalintii Axadda ay wada-hadallo fool ka fool ah yeesheen Leverkusen, iyadoo ay Leverkusen hoos u dhigtay qiimaha laacibkan oo ay gaadhsiisay £70 milyan oo Gini halkii ay markii hore ka taagnayd £90 milyan oo Gini.

Advertisements

Sababta ugu weyn ee Bayer Leverkusen ku riixday inay hoos u dhigto qiimaha Havertz ayaa la rumaysan yahay inay tahay heshiiskiisa oo laba sannadood ka hadhsan yihiin iyo laacibkan oo ay ka go’an tahay inuu ku biiro kooxaha waaweyn ee Yurub, isla markaana aanu cusboonaysiinin qandaraaskiisa hadda.

Warku wuxuu intaa ku daray in Frank Lampard uu ku qanciyey Havertz oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen, inuu uga baahan yahay Stamford Bridge oo uu qayb muhiim ah ka noqon doono kooxdiisa xili ciyaareedka soo socda.

Chelsea waxay hore ula soo wareegtay weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner iyo garabka kooxda Ajax ee Hakim Ziech oo haddaba ku sugan London, waxaana Lampard uu filayaa in Havertz uu noqon doono saxeexiisa saddexaad si uu horyaalka ugula tartamo Liverpool iyo Manchester City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey koobka  iska beddelay.

Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich ayaa hore ugula tartamayay Chelsea saxeexa Kai Havertz, hase yeeshee Manchester United oo markii hore ku jirtay loollanka ayaa uga leexatay Jadon Sancho.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII