Pep Guardiola oo taageeray Qorshaha World Cup-ka looga dhigayo Labada Sano

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa taageersan qorshaha Arsene Wenger ee ku aadan in koobka aduunka la qabto labadii sanaba mar.

Wenger ayaa soo jeediyay Koob Adduun oo labadii sanaba mar la qabto, oo sanad walba la qabto tartamo waa weyn, si aad ahna loo yareeyo fasaxyada caalamiga ah ee bartamaha xilli ciyaareedka.

Tababarihii hore ee Arsenal ayaa filaya in fikradihiisa ay FIFA si rasmi ah u soo saarto sanadka cusub wuxuuna rajaynayaa inuu arko iyaga oo la hirgeliyo 2028 -ka.

“Ma aha in aad dembi ka dhigto fikradaha,” ayuu yiri Guardiola. “Koobka Adduunka waa mid cajiib ah, ka taageere ahaan waan ku raaxeystaa daawashada iyo haddii ay tahay labadii sanaba mar waa fiicnaan lahayd.

“Waxaan ku raacsanahay Arsene in haddii uusan ahayn Koobka Adduunka, markaa waxay noqon doontaa tartan kale.

“Waan ku faraxsanahay in hal qof oo waxyaabo cajiib ah ka sameeyay kubbada cagta adduunka – kaliya maahan Premier League – inuu miiska saaray xaaladan, waxaan ka hadli doonaa waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun ee la xiriira. had iyo jeer waan faraxsanahay marka fikradaha miiska la saaro si looga doodo. “

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com