Pep Guardiola oo ku dhawaaqay Liiska Xidigaha uu kaga hortagayo PSG ee Champions league-ga

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey 21 ciyaartoy oo uu ula safray magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, kuwaas oo uu kala hortegi doono Paris Saint-Germain oo ay habeen dambe ku wada ciyaaari doonaan Parc des Prince.

Guardiola ayaa u yeedhay laba ciyaartoy oo da’yar ah oo uu ku buuxiyey tirada ciyaartoydiisa, iyadoo uu liisku ka kooban yahay saddex goolhaye iyo 18 ciyaartoy oo gudaha ah.

John Stones ayaa kasoo kabtan dhaawac oo ka mid noqday ciyaartoyda safarka gashay, halka Aymeric Laporte iyo Rodri oo jugo qabay ay si habsami ah u qaateen tababarka ka hor intii aan lasoo saarin liiska.

Labada ciyaartoy ee Ilkay Gundogan iyo Aleks Zinchenko ayaa ka maqan Manchester City oo aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda safarka, waxaanay labadan ciyaartoy wali u maqan yihiin dhaawacyo.

James McAtee iyo Josh Wilson-Esbrand oo da’yarta Man City ka tirsan ayaa uu Pep Guardiola soo qaatay laakiin waxa uu ka yimid saddex ciyaartoy oo kale oo da’yar ah oo uu fursad u haystay inuu ku darsado liiskiisa.

UEFA ayaa u ogol kooxaha inay soo xushaan 21 ciyaartoy oo gudaha garoonka  ah iyo saddex goolhaye, laakiin Pep Guardiola ayaa kaliya soo qaatay 18 ciyaartoy oo gudaha ah iyo saddex goolhaye.

Liiska ciyaartoyda Manchester City ee kulanka PSG:

Kyle Walker

Ruben Dias

John Stones

Nathan Ake

Raheem Sterling

Gabriel Jesus

Jack Grealish

Zack Steffen

Aymeric Laporte

Rodrigo

Kevin De Bruyne

Bernardo Silva

Ferran Torres

Fernandinho

Riyad Mahrez

Joao Cancelo

Ederson

Scott Carson

Phil Foden

James McAtee

Josh Wilson-Esbrand

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com