Pep Guardiola oo ka hadlay Dhaawaca Lionel Messi iyo Weerarka Saddexda ah ee PSG

Pep Guardiola ayaa rajeynaya in Lionel Messi uu maareeyo dhaawaciisa si uu u ciyaaro kulanka Manchester City ee Talaadada Champions League wuxuuna ku andacoonayaa inuusan ‘garanayn’ sida loo joojiyo sedexda weerar ee PSG.

Kooxda reer France ayaa si aad ah u xoojisay kooxdeeda xagaagan, iyagoo keensaday Messi, Georginio Wijnaldum, Sergio Ramos iyo Gianluigi Donnarumma si bilaash ah iyagoo lacag badan ku bixiyay sidii Achraf Hakimi looga soo qaadi lahaa Inter.

Waxay ka soo horjeedeen City heerka semi-finalka tartankii xilli ciyaareedkii hore-2-1 ayaa looga adkaaday lugtii hore ee ka dhacday Parc des Princes, iyo 4-1 wadar ahaan-laakiin waxay rajeynayaan in xidigahooda cusub ay baddali doonaan arintaasi.

Messi, oo afar sannadood oo koobab badan ku hoos qaatay Guardiola Camp Nou, shaki la’aan waa kuma ugu muhiimsan PSG laakiin mustaqbalkiisa Paris weli kama muuqdo, isagoo ku guuldareystay inuu gool dhaliyo ama caawiyo seddaxdii kulan ee uu ilaa iyo hadda soo ciyaaray.

Waxa uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Ligue 1 dhaawac yar laakiin wuxuu ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta kulanka Talaadada Guardiola ayaana shaki ka qabin sida uu weli halis u yahay ciyaaryahan Messi inkastoo uu si aan fiicnayn ku bilowday nolosha PSG.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com