Pep Guardiola oo Codsi u diray Taageerayaasha Manchester City oo Xalay ka maqnaa Garoonka

Pep Guardiola ayaa ku booriyay taageerayaal badan oo Manchester City ah inay ka soo qeyb galaan ciyaaraha kooxda ciyaareyso kadib kulamadii u danbeeyay oo taageero laga waayay.

City ayaa RB Leipzig kaga adkaatay 6-3 ciyaar xiiso badneyd oo sagaal gool leeskaga dhaliyay Etihad habeenkii Arbacada si ay ugu bilowdo ololahooda Champions League.

Laakiin iyadoo Southampton ay ku xigto kooxda heysata horyaalka Premier League Sabtida, Guardiola ayaa qirtay inuu doonayo inuu arko taageerayaal badan oo garoonka soo xaadira.

Waxa uu yiri: ‘Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee aan halkaan ku ciyaarnay waxaan dhalinay 16 gool. Waxaan jeclaan lahaa in dad badani yimaadaan kulanka xiga Sabtida.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com