Pedri iyo Alba oo ku soo laabtay Tababarka Barcelona, Kooxda oo heshay war Feecan

Ka dib guushii lagu qancay ee Axadii ay ka gaareen Levante, waxaa jiray war aad u wanaagsan oo Barcelona laga helay subaxnimadii Isniinta maanta iyadoo Jordi Alba iyo Pedri ay ku soo laabteen tababarka, labaduba waxay ka qeybgaleen fadhigii wadajirka ahaa.

Kahor kulanka Champions League ee Arbacada ay la leeyihiin Benfica, Ronald Koeman wuxuu ku farxi doonaa inuu dib u soo dhoweeyo laba ciyaartoy oo kooxda koowaad muhiim u ah, in kasta oo kulanka Talaadada uu si cad u tilmaami doono inta midkood ka qayb qaadan karo ciyaarta.

Kadib guuldaradii cuslayd ee ka soo gaartay Bayern Munich maalintii furitaanka wareega group -yada Champions League, waa lama huraan inay Blaugrana guul ka gaarto Benfica.

Koeman, si kastaba ha ahaatee, weli waxaa ka maqan dhowr ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawac ah, sida Ousmane Dembele, Martin Braithwaite, Kun Aguero iyo da’yarka Alejandro Balde.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com