Paul Scholes Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Argagax Ka Qaaday Manchester United – Kuma Jiraan Chelsea & Leicester

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa magacaabay laba kooxood oo mar horeba argagax kasii qaaday wacdaraha ay garoomada ka dhigayso Manchester United, taas oo aan laga badin 17kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaant artamada.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankii Khamiistii waxay cashar ugu dhigeen Aston Villa oo ay ku garaaceen saddex gool oo ay u kala dhaliyeen Bruno Fernandes, Mason Greenwood iyo Paul Pogba, waxaanay u diiwaangeliyeen naadigooda kulankii 17aad ee  aan dhinacooda dhulka la dhigin.

United waxay saddexdan dhibcood ugu dhowaatay Leicester City oo kaalinta afraad kaga jirta horyaalka, hal dhibic oo kaliyana ka sarraysa, waxaanay labadan kooxood ku ballansan yihiin ciyaarta ugu dambaysa ee horyaalka Premier League, taas oo haddii inta ka horreysa ay midkoodna lumin weydo dhibco ay si buuxda ugu kala bixi doonaan garoonka King Power Stadium.

Chelsea oo kaalinta saddexaad fadhida ayay sidoo kale Man United u jirsatay laba dhibcood, waxaanay dhaafi kartaa haddii Blues ay kulamada u hadhay dhibco lumiso.

Wacdaraha ay United ka samaynayso horyaalka Premier League, waxa uu culays kusii hayaa Liverpool oo horyaalka ku guuleysatay iyo Manchester City oo labadii xili ciyaareed ee hore koobka soo qaadatay, sida uu rumaysan yahay Paul Scholes.

Scholes oo la weydiiyey haddii ay Manchester United haddaba cabsi gelinayso labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City, waxa uu yidhi: “Miyey tahay waqtigii ay dhawr kooxood kasii werweri lahaayeen kooxdan. Waxaan ogahay inay mar horeba cabsi ku bilaabantay.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII