Paul Pogba oo Mason Greenwood ku tilmaamay ‘dhammaystirkii ugu fiicnaa’ ee uu waligiis la ciyaaray

Paul Pogba

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa aad u ammaanay Mason Greenwood, isagoo qiray in awoodiisa dhameystir ay tahay tii ugu fiicneyd ee uu abid ku arko saaxiibkiis.

Greenwood ayaa dhaliyay seddex gool seddex kulan oo Premier League ah oo uu saftay xilli ciyaareedkan taas oo bilow u ah ololaha cusub ee 19 jirka.

Pogba wuxuu mudnaan u lahaa inuu la ciyaaro weeraryahannada sida Zlatan Ibrahimovic, Romelu Lukaku, Paulo Dybala iyo Kylian Mbappe waayihiisa ciyaareed oo dhan. Isaga ahaan, si kastaba ha ahaatee, Greenwood wuxuu si la yaab leh ugu taagan yahay inuu yahay kan ugu feecan goolka hortiisa.

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay kan ugu fiican ee aan arkay, oo aan ilaa haatan tababar la qaatay,” ayuu xiddiga reer France ku sheegay wareysi uu siiyay Stadium Astro .

“Hadda, isagu waa kan ugu yar. Laakiin waa uun wax aan la rumaysan karin waxaanan rajaynayaa in uu dhaliyo goolal badan oo horumar sameeyo oo kaliya inaga caawiyo in aan mar kale ku guulaysano horyaalka. 

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here