Paul Merson oo Saadaal ka bixiyay Kulamada Isbuuca Lixaad ee Premier League, Natiijada Chelsea Vs Manchester City iyo Kulamada kale

Paul Merson oo ah khabiir dhanka ciyaaraha ayaa sida caadiga ah bilaabay in uu sadaal ka bixiyo kulamada la ciyaarayo todobaadkan oo ah isbuucii 6aad ee horyaalka premier league.

Khabiirka ayaa ugu horeyn saadaal ka bixiyay kulanka ugu adag todobaadkan ee u dhaxeeya kooxaha Chelsea iyo Man City, markaasi oo Blues garoonkeeda ku soo dhaweeneyso City kulankan ayaana ku saadaaliyay in Chelsea ku badineyso labo gool. Chelsea 2-1 Man City.

si lamid ah kulanka Arsenal iyo Tottenham ayuu saadaal ka bixiyay waxana uu markan guusha siiyay kooxda liidata ee Arsenal kuwaasi oo badiyay kulamadii ugu danbeeyay isagoo sheegay in Arsenal ku badineyso labo gool iyo hal.

Paul Merson iyo Saadaashiisa Todobaadka lixaad.

Chelsea 2-1 Manchester City

Manchester United 1-1 Aston Villa

Everton 3-0 Norwich City

Leeds United 1-3 West Ham United

Watford 1-2 Newcastle United

Brentford 0-3 Liverpool

Southampton 1-2 Wolves

Arsenal 2-1 Tottenham Hotspur

Crystal Palace 2-2 Brighton

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com