Omar Finish oo magacabay Gudoomiyaha cusub ee Dagmada Wadajir

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Cusub ee Wadajir loogu Magacaabay inuu noqdo Bashiir Maxamed Cali, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas  C/raxmaan Maxamed Cali.

Bashiir Maxamed Cali ayaa waxaa ay walaalo yihiin Guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee C/raxmaan Maxamed Cali, isla markaana waxaa la faray Bashiir Maxamed inuu shaqadiisa si toos ah u guto.

Tan iyo markii uu xilka Gobolka Banaadir qabtay Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu Magacaabay Guddoomiyeyaal Degmo, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyay kuwo kale.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Omar Finish oo magacabay Gudoomiyaha cusub ee Dagmada Wadajir appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII