Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay LABADA Xiddig Ee Furaha U Noqon Doona Man United Kulanka Leicester

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee furaha u noqon doona kooxdiisa kulanka ay martida ugu noqonayso Leicester City oo ah midka ugu dambeeya xili ciyaareedka 2019/20.

United ayaa ugu tegaysa Leicester City garoonka King Power, waxaanay labada kooxoodba fursad u haystaan inay ka mid noqdaan naadiyada ka qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe, iyadoo sidoo kalena uu kulankani dhinac kaga xidhan yahay ciyaarta ay Chelsea ku martigelinayso Wolves.

Manchester United oo xili ciyaareedkii hore aan ka mid ahayn kooxaha afarta ah ee kaalmaha ugu sarreeya kaga dhamaystay horyaalka Premier League ee ka qayb-galay Champions League xili ciyaareedkan, waxa uu Ole Gunnar Solskjaer mar kale jabkii oo kale la kulmi doonaa haddii laga badiyo ciyaartan sidoo kalena ay Chelsea soo badiso ama barbarrayso.

Advertisements

Tababaraha reer Norway ayaa ciyaartoydiisa usoo jeediyey inay lasoo baxaan yuhuuntii iyo kartidii ay caanka ku ahaan jirtay Manchester United, isla markaana ay guul ka keenaan King Power Stadium.

Ole waxa uu si gaar ah u magacaabay laba ciyaartoy oo kusoo barbaaray gudaha Man United, kana mid ah xiddigaha muhiimka ah ee uu ku dagaal gelayo, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin furaha ciyaartan.

Mason Greenwood oo 18 jir ah, 17 goolna u dhaliyey Manchester United xili ciyaareedkan oo ah kii ugu horreeyey ee uu kooxda koowaad si buuxda uga tirsan yahay iyo Marcus Rashford ayuu Ole Gunnar Solskjaer rumaysan yahay inay hormood ka noqon doonaan dhiirigelinta, kartida iyo yuhuunta lagu yaqaanay Manchester United.

“Ciyaartoydu, hadda waxay baranayaan waxa ay ciyaartoydii kale taariikhda soo mareen. Annaguna sidaas oo kael ayaanu samaynayn jirnay, waxaananu la kulmi jirnay dibu-dhac iyo soo kabasho. Tusaale ahaan, Marcus ama Mason, ayaa kulliyadda kusoo jiray sannado badan.” Ayuu yidhi.

Si kastaba, Manchester United oo ku jirta kaalinta saddexaad, waxay isku dhibco yihiin Chelsea laakiin Red Devils ayaa farqiga goolasha ku horreysa, halka ay Leicester hal dhibic ka dambayso.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII