Ole Gunnar Solskjaer oo Magacaabay kooxda kaliya ee kula tartameysa Horyaalka Premier Leagu

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu u arko Chelsea inay tahay kooxda ugu weyn ee kula tartameysa Manchester United ka hor kooxaha Man City iyo Liverpool.

Solskjaer ayaa doonaya in uu kooxda ku hogaamiyo koobka premier League markii ugu horysay tan ilaa 2013 markii uu Sir Alex Ferguson hogaaminayay kooxda.

Man United ayaa dib u soo celisay Cristiano Ronaldo si ay ugu dagaalanto koobka premier League xilli ciyaareedkan sidoo kale waxa ay la soo saxiixdeen xiddiaha Sancho iyo Varane.

Sida laga soo xigtay wargayska The Sun, Soslkaer ayaa kaliya chelsea u arka kooxda Man United kula tartami doonta premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ah kooxda ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore waxana ay la soo saxiixatay xiddigaha Lukaku iyo Saul si ay ugu xoojiso kooxda.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here