Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Anthony Martial & Luke Shaw

Xiddigaha Anthony Martial & Luke Shaw ayay labaadooduba dhaawac soo gaadheen kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rumaysan in xiddigaha Anthony Martial & Luke Shaw ay ku soo laaban doonaan tababarka inkasta oo ay labada xiddigba dhaawac ka soo gaadhay kulankii Crystal Palace.

United ayaa la kulantay guuldaradeedii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo waliba guuldardii ugu horaysay ee ay ka soo gaadhay Crystal Palace taariikhda premier League.

“Waxa aan samayn doonaa Baadhitaan laakiin waxa uu shaw xanuun ka dareemay muruqa”ayuu Soslkjaer yidhi.

“Waxa aan rajaynayaa in uuna dhaawac weyn ahayn waxana aan rajaynayaa in uu diyaar u noqdo kulanka Southampton ee sabtida dambe”.

Dhanka kale Martial ayaa ciyaarta ka baxay isaga oo Dhutinaya kadib markii uu xiddigu fursad u heli waayay in uu ka boxo ciyaarta maadama ay Kooxdiisu dhaman wada Isticmaashay badalkii 3-da ahaa.

“Waa in an sugno waxa uu noqdo xaalkiisu”ayuu Solskjaer yidhi isaga oo ka hadlaya xiddiga reer France.

“Waxa aan rajaynayaa in ayna dhaawacyo xun noqon waliba tababarka buuxa ku soo laabtaan todobaadkan”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here