Nuxurka qoraalka Safaaradda Maraykanka ayaa ahaa in “digniin loo diro Fahad Yasin”

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Safaarada Maraykanka ayaa shalay soo saartay qoraal ay kaga muujinayso wal-wal  ay ka qabaan qaabka ay baarlamaanka codka ugu qaadeen Xasan Kheyre. Qoraalka Safaarada marnaba ma aysan ka horimaan, mana sheegin in ay sharci daro ahayd xil ka qaadista lagu sameeyay Xasan Kheyre.

Qoraalka ayaa intiisa badan waxa uu ka hadlayay mustaqbalka , sida loogu baahan yahay in dalka doorasho ka dhacdo iyo sidii loo ilaalin lahaa midnimada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Qaybta danbe ee qoraalka ayaa  waxa lagu sheegay in dowlad Maraykanka iyo saaxibada Soomaaliya ay talaabo ka qaadi doonaan waxa lagu sheegay qaswadayaalka siyaasada Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay warkii.com in ujeedada qoraalka ay ahayd in digniin buuxda loo diro Fahad Yasin oo mas’uul ka haa qaabka lagu ceyriyay Xasan Kheyre iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Nuxurka qoraalka ayaa ahaa in Fahad Yasin uusan  marnaba isku dayin in uu carqaladeeyo xulashada Ra’iisal Wasaaraha badali doona Xasan Kheyre. Fahad Yasin ayaa durbadiiba bilaabay in uu isagau soo xulo cidii uu ka dhigan lagaa Ra’iisal Wasaare, si uu u sii wado dagaal uu ku qaado dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Nuxurka qoraalka Safaaradda Maraykanka ayaa ahaa in “digniin loo diro Fahad Yasin” appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII