Saldhig ciidamada leeyahiin oo weerar culus lagu qaaday & walaac xoogan oo ka dhashay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dagaalyahano la sheegay iney ka tirsan yahiin Al-Shabaab ayaa weerar sababay khasaaro ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Yuumbis ee Gaarisa.

Weerarka ay qaadeen dagaalyahanada wuxuu sababay iska caabin kaga timaada dhanka ciidamada Kenya sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen, waxey sidoo kale qireen iney maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen.

Dadka dagan hareeraha saldhigga la weeraray ayaa isaga barakacay, sidoo kale bulshada ayaa sheegtay iney walaac badan ku abuurtay dagaalka labada dhinac dhexmaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, waxeyna warbaahintooda qoreen iney dagaalyahanada dileen lix askari oo kenyaan ah halka ay dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaan ka hadlin arintaan, kadib weerarka waxey bilaabeen hawlgallo ay deegaankaas ka sameynayaan, balse ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII