Natiijooyinka bandhiggii xalay ee WWE Extreme Rules 2020, xilli Drew McIntyre wali la celin la’ yahay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Waxaa xalay qabsoomay mid ka mid ah bandhigyada sanadlaha ah ee shirkadda WWE, waxaana ciyaarihii la ciyaaray ka soo baxay natiijooyin aanan qaarkood hore loo saadaalin.

Xiddiga guulaha la saaxiibka noqday ee Drew McIntyre ayaa suunkiisa WWE RAW Champion ka difaacday xiddiga Dolph Ziggler, halka ciyaartii dhex martay Braun Strowman iyo Bray Wyatt ay ku dhammaatay natiijo lama filaan ah.

Haddaba halkan hoose kaga bogo dhammaan natiijooyinkii dhacdadii xalay ee WWE Extreme Rules 2020:

The New Day (Big E iyo Kofi Kingston) v. Cesaro iyo Shinsuke Nakamura (WWE SmackDown Tag Team Championship – Tables match)

Ciyaartan xeerkeeda ayaa ahaa in kooxdii miiska lagu dul jabiyo laga adkaaday, waxaana Nakamura iyo Cesaro ay miiska kor dhigeen Kofi Kingston iyagoo sidaas guusha ku qaatay, waxaana ay noqdeen Horyaalka Kooxeed ee bandhigga SmackDown (WWE SmackDown Tag Team Champions)

Bayley v. Nikki Cross (WWE SmackDown Women’s Championship)

Labadan hablood ayaa qaatay ciyaar xiiso badan, waxaana markale Bayley ay xaqiijisay inay u qalanto horyaalnimada bandhigga SmackDown ee dhanka hablaha, waxaana ay garaacday Nikki Cross iyadoo difaacatay suunkeeda WWE SmackDown Women’s Champion

Rey Mysterio v. Seth Rollins (An eye for an eye match)

Waxa uu ahaa kulan aanan hore loo arag noociisa, waxaana labada xiddig ay u dagaallamayeen in midba midka kale uu isha ka wax yeelleeyo si uu u guuleysto, iyadoo xiddigii kan kale isha kaga rida jaranjarada laga soo koro goobta ciyaarta(Ring), balse waxaa ugu dambeyn guuleystay Rollins oo garaacay Rey.

Waxaa durba goobta soo gaaray waaxda caafimaadka oo qaaday Rey kaddib dhaawacii darnaa ee isha ka soo gaaray.

Asuka v. Sasha Banks (WWE Raw Women’s Championship)

Sidii la filayayba, waxaa ciyaartan ay kusoo dhammaatay farsamo iyo caqliyad, waxaana Sasha ay garaacday Asuka, xilli ay tiriska dhulka qaadatay Bayley oo funaanadda kala baxday garsooraha kaddib markii ay indhaha wasaq kaga shubtay Asuka oo la damacsanayd gabadha kasoo horjeedday.

Sasha ayaa sidaas ugu guuleysatay suunka horyaalnimada hablaha bandhigga RAW ee WWE Raw Women’s Champion

Drew McIntyre v. Dolph Ziggler (WWE RAW Championship)

Waxaa dhowaanahan la filayay inay soo af jarmi doonaan guulaha Drew, balse waxa uu mar kale garaacay xiddig ciyaar kulul, iyadoo ugu dambeyn McIntyre uu garaacay Ziggler, isagoo difaacday suunkiisa horyaalnimada RAW.

Braun Strowman v. Bray Wyatt (Wyatt Swamp Fight)

Kulankan ayaa isaguna ahaa mid xeelad lagu kala adkaaday, si gaar ahna ay u xiiseynayeen daawadayaasha.

Waxaa la rajeynayay in Braun uu si fudud ku mari karo xiddigi ay isku kooxda ahaan jireen, balse xirfadda, xeeladda iyo ciyaar maskaxeedka Wyatt ayaa ka yaabsaday taageerayaasha, waxaana guusha qaatay Bray Wyatt.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII