Natiijo: Milan 2-0 Venezia, Hernandez oo guul ku hogaamiyay Kooxda Rossoneri

Hernandez ayaa guul ku hogaamiyay Ac Milan isagoo badal ku soo galay kulan ka tirsan Horyaalka Seria A oo Ac Milan 2-0 kaga badisay kooxda Venezia.

Qeybta hore ee ciyaarta labada kooxood ayaa ku kala nastay bar-baro goolal la’an ah taasi oo keentay in qeybta danbe badal uu ku soo galo Hernandez.

B. Diaz ayaa Ac Milan u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 68aad isagoo caawin ka helay T. Hernandez oo kubad qurux badan banaanka u soo dhigay, Ac Milan ayaana heshay goolka labaad ee ciyaarta waxana dhamaadka ciyaarta u saxiixay T. Hernandez oo kubad xoog badan oo bidix ah shabaqa ku hubsaday xidiga ayaa gool dhaliyay midna caawiyay kulankan.

Natiijo ahaan Ac Milan ayaa dhibcaha la wadaagto Inter Milan iyagoo wada leh min 13 dhibcood inkastoo farqiga goolasha looga hayo hogaanka.

Maxaa xiga

Milan ayaa u safri doonta Spezia Sabtida, halka Venezia ay Isniinta gurigeeda kula ciyaari doonto Torino.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Milan XI: Florenzi, Rebic, Maignan, Romagnoli, F.Toure, Bennacer, Gabbia, Brahim, Tonali, Leao, Kalulu

Subs: Tatarusanu, Conti, Castillejo, Kessie, Tomori, Theo, Pellegri, A. Saelemaekers, A. Jungdal, Maldini

Venezia XI: Molinaro, N. Mäenpää, A. Vacca, M. Aramu, Dor Peretz, F. Forte, Caldara, P. Ceccaroni, T. Ebuehi, D. Johnsen, G. Busio

Subs: M. Modolo, D. Črnigoj, T. Henry, P. Mazzocchi, Okereke, M. Svoboda, D. Heymans, S. Kiyine, D. Schnegg, B. Bjarkason, F. Neri, T. Tessmann

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com