Natiijo: Metz 1-2 Paris Saint-Germain: Hakimi oo labo gool u dhaliyay PSG

Xidiga Hakimi ayaa labo gool u dhaliyay kooxda PSG oo 1-2 ku dubatay kooxda Mets kulan ka tirsan Horyaalka Faransiiska Ligue 1.

Kulanka Caawa Hakimi ayaa ahaa Xidiga ciyaarta isagoo muujiyay awooda xidigan uu u leeyahay gool dhalinta.

Goolkiisa hore ayuuna u dhaliyay PSG ciyaarta oo socota 5 Daqiiqo isagoo goosha ku celiyay kubad uu soo bixiyay mid kamid ah Daafacyada PSG .

Kooxda Metz ayaa heshay goolka barbaraha isla qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 39aad waxana u dhaliyay K. Kouyate iyadoo lagu kala nastay 1-1.

Kulankan ayaa u muuqday mid ku soo dhamaanaya bar-baro ilaa laga gaaro Daqiiqadii 82aad markaasi oo Neymar kubad u dhex bixiyay Hakimi kaasi oo kubad xoog badan oo bidix ah dhex dhigay goosha guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 1-2.

Waxaa xusid mudan in kulanka uu ahaa mid Fowdo laga dareemayay iyadoo mid kamid ah Xidigaha Metz la siiyay kaarka Gaduudan ama Cas.

Maxaa xiga?

PSG ayaa martigelin doonta Montpellier Sabtida, halka Metz ay booqandoonto Brest maalin kadib.

Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta

Metz XI: A. Oukidja, Pajot, Maiga, Udol, D. Bronn, F. Centonze, Kiki Kouyaté, Niane, Lamine Gueye, P. Yade, Pape Matar Sarr

Subs: De Preville, M. Caillard, Nguette, Boulaya, A. Bassi, W. Tchimbembé, S. Alakouch, S. Niakaté, B. Traoré

PSG XI: Wijnaldum, Navas, Neymar, Danilo Pereira, Rafinha, Marquinhos, Icardi, Kimpembe, Mbappe, Hakimi, Nuno Mendes

Subs: Di Maria, Herrera, Gueye, Paredes, Draxler, Kehrer, Diallo, Donnarumma, E. Ebimbe

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com